Home » FEATURED » Dhageyso Warbixin ka Hadleysa Wareega Kubada Cagta ee ka socda Garoonka Kheyriyada Magaaladda Borama

Dhageyso Warbixin ka Hadleysa Wareega Kubada Cagta ee ka socda Garoonka Kheyriyada Magaaladda Borama

 

London: (Cnn) – Sidda aan la wadda socono Garoonka Kheyriyadda ee Magaaladda Borama waxaa ka socda Koob Ramadaan loogu talo galey in lagu xuso laba Marxuum oo ka mid ahaa ciyaaryahandii waa weynaa ee soo mara Gobolka Awdal labadaas Marxuum oo kala ah Marxuum Xasan Kayd iyo Marxuum Cumar Sanqadhi.

Tartanka Koobkan ayaa waxaa ka soo qeyb galey kooxo fara badan waxaanu marayaa maalimihii ugu dambeysey, lamana saadaalin karo kooxda qaadeysa maadaama kooxaha isu soo hadhey wareegan ugu dambeeya ay yihiin kuwo aan kala dhicin heerka ay gaadhsiinsan tahay awoodooda ciyaareed,  Astaantan korka ka muuqatana waxa weeyi mida u gaark ah wareegan isla markaana loogu talo galey xuskiisa, Hadaba hoos ka dhageyso Barnaamij ay shabakadan caalamiga ah ee Camuudnews ka diyaarisey wareegan ka socda Garoonka Kheyriyadda ee Magaaladda Borama.

Abdirasaaq Hammaal

Senior Camuudnews Editor.