Home » FEATURED » Kooxda Blue Sky Oo 3-0 Ku Caga Cagaysay Kooxda Telesom Boorama

Kooxda Blue Sky Oo 3-0 Ku Caga Cagaysay Kooxda Telesom Boorama

Borama: (Cnn) – Waxa maanta ay ciyaara aad loogu bogay dhex martay labada kooxood ee kala ah kooxda blue sky iyo kooxda telesom borama waxaanay guushu maanta ay raacaday kooxda blue sky oo si xarago leh uga badisay kooxda telesom borama3-0, una soo gudbeen ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobka final ka, kadib markii ay weerarka kooxda blue ay dareemeen dabacsanaanta ka muuqata difaaca telesom iyo gool hayaha oo liitay aawadeed ayaa ay u suuro gashay inay jiidhaan kooxda telesom.  dhexda iyo weerarka ay hayeen kooxda blue ayaa ahaa mid isku dheeli tiran oo aan la dhaafi karin marar badan oo ay isku dayeen inay jiidhaan difaaca blue ayaa ay u suurto gali weyday kooxda telesom oo rabtay in ay iska dhiciyaan goolasha lagaga horeeyey balse uma ay hirgalin. waxa aan warysi la yeelanay qaar kamida ciyaar yahanada kooxda ayaa shucuurtooda waxay ku tilmaameen mid aan la soo koobi karin maadaama ay u soo gudbeen ciyaartii ugu danbaysay ee koobka oo ah final kii waana guul aan soo samaynay ayaa uu yidhi c/qaadir yare oo ah ciyaarooyga dhexda uga ciyaara kooxda blue sky, waxa isna dareenkiisa farxadeed qiyaasi kari waayey c/shakuur ashkori oo ah difaaca kooxda oo ahaa ninkii lamari waayey una ahaa kooxda tiir adag, sidoo kale waxaa isaguna noo sheegay inuu maanta faraxsan yahay ciyaar yahanka safka hore uga safta kooxda blue sky oo ahaa weerarka goolasha ka soo dhaliyey intii ciyaaruhu socdeen kooxihii ay lasoo ciyaareen laacib maslax waxana uu yidhi waxaan ra jaynayaa inaan koobkan sanadkan aan qaadno oo aan ciyaarta u danbaysa aan anagu sandkan ku soo gaba gabeeyno ciyaar wanaag iyo koobka oo aan hanano.

c/rashiid maxamed daahir ( daacad )

Camuudnews Correspondent

Borama Office

One Response to Kooxda Blue Sky Oo 3-0 Ku Caga Cagaysay Kooxda Telesom Boorama

  1. Aisha

    January 9, 2011 at 5:09 pm

    salaam walaal waxaan ka codsanayaaa dhanilta ka sheqeeya blue sky wax yar waayo waxay ku fiicanyihiin sawirqaadida markaa walaal ana waxwayn iniqama codsanyo ee waxaad walaal yeeshiin photo gellery borama ee internetka ama websiteyada ku oola in ay quxiyaan oo sawiro cajiib ah in ay ku daraan waayo anu qof dibada joogta baan ahay oo marka aan dadka ku iraahdo magaladaydu waa borama waxay idhaahdaan internetka ayaan ka eegayn markaa waxqanciya ma arkaan markaa waxaan waydiisanayaa in aad ku soo dartiin sawira ilaa 200 qaadhaysa oo sawira maglaada borama ku sabsan, dabiicadeeda sida camuud iyo darimacaane ama meelo kale oo dabiicada ku sabsan markaa walaal intaa baan iniqa codsanaa ilahayn ha iniga jasaai siiyo dadallkiin anaka qurbaha joogna waxaan ku balanqaadaynaa in aan soo dhiso doono magaladeena!!!!!!