Home » FEATURED » Kooxda Blue Sky Ee Basket Ball Ka Ayaa Koobkii Final ka Ka Qaaday Kooxda London Photo

Kooxda Blue Sky Ee Basket Ball Ka Ayaa Koobkii Final ka Ka Qaaday Kooxda London Photo

Borama ( CNN ) Ciyaartii kaba danbaysta ee Kuubka Basketballka ayaa xalay la soo gaba gabeeyay, waxaana ay guushu ku raacday, hantayna kuubkii Basketballka Bishan Ramadaan, Kooxda Blue Sky, waxaana ay Finalka wada yimaadeen,Dhigooda kale ee Footada London, halkaana waxaa si qurux badan kuubkii iyo biladihii loogu talagalay Ciyaartan Kooxdii ka socotay Footada Blue Sky.waxa ayna ciyaartu ku dhacday Jawi wanaagsan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan oo goob joog ka ahaa, Isuduwaha wasaarda Dhalinta Iyo ciyaaraha Gobolka Awdal/ C/wahaab Yuusuf Axmed Iyo Sharmaarke oo ka yimid cariga ingriiska, kuwaas oo halkaas ku gudoonsiinayay, Abaalmarino iyo bilowda ciyaartooyadii ka soo qayb galay ciyaartan, ugu danbayna waxa ay kuub qurux baadan gudoonsiiyeen, Koooxdii Hanatay kuubkan oo ah, footada Blue Sky Digital.  Waxa ay sidoo kale kooxda blue sky ku soo baxeen koobkii kubada cagta ee finle ka waana guulo ay soo hooyeen kooxda ku ciyaaraysa magaca blue sky.

c/rashiid maxamed daahir ( Daacad )

Camuudnews  Correspondent

Borama office