Home » FEATURED » Kooxda Siidhi Wadayaasha 3-1 Kaga Badiyey Koobka Ramadaanka Iyo Kooxda Suxufiyiinta Gobalka Awdal Iyo Salal Iyo Kooxda Caafimaadka 2-1 Kaga Adkaatay Kooxda Waxbarashada

Kooxda Siidhi Wadayaasha 3-1 Kaga Badiyey Koobka Ramadaanka Iyo Kooxda Suxufiyiinta Gobalka Awdal Iyo Salal Iyo Kooxda Caafimaadka 2-1 Kaga Adkaatay Kooxda Waxbarashada

Borama ( CNN ) Waxa maanta wada ciyaaraylabada kooxood ee kala ah kooxda siidhi wadayaasha ciyaaraha kooxka ramadaanka oo 3-1 kaga badisay kooxda saxaafada gobalka awdal iyo salal, waxaanay ahayd ciyaar aad u xiiso badan waxaana daawanaayey dadweyne tira badan oo kalataageersanaa labada kooxood. waxa uu ahaa jawgi mid aad u wanaagsan oo saxan saxo roob dhulka hadhaysay, kadib markii la bilaabay ciyaartii waxaa soo darooray roob aad u wanaagsan oo dhulka qaboojiyey waxaanay ka mid ahayd nimcooyinka eebe ku manaystay dadka, waxana ay ciyaartooyadii labada dhinac la qabsan waayeen biyaha soo buux dhaafiyey aawadeed inay kubada si wanaagsan uwada ciyaaraan iyaga oo ay ciyaartooyda qaar koox ama badan kooxdu ahaayeen ciyaar yahano hore ugu soo ciyaaray gobalka awdal kuwaasi oo u muuqday kuwa shucuurtooda ciyaareed aad u saraysay mar aan wax ka weydiinay. waxa hubaala in ciyaaruhu yihiin dhismaha jidhka iyo caafimaadka qofka waxaanay dad badani moodaan in qofku hadii uu weynaado aanu jimicsan karin ama ciyaari karin taasiana waxaa beeniyey qaar kamida ciyaar yahanada manta ciyaaray. waxana ay u muuqataa in dadku u soo jeesteen dhinaca ciyaraha taageradooda iyo taakulayntoodaba ha joogeen gudaha iyo dibadabawaxaana dhamaadkii ciyaarta la qabtay ciyaarta loo yaqaanxadhig jidadka waxana kooxdii siidhiwadayasha dhulka dhigay kooxdii saxaafada oo kaga adkaatay awood. waxa iyana la ciyaaray ciyaar aad u xiisa badnayd oo iyana dex martay labada kooxood ee kala ah kooxda caafimaadka iyo waxbarshada oo markoodii labaad isku soo laabtay  waxana maanta guushu raacday kooxda caafimaadkaoo 2-1 kaga badisay, waana mar kii labaad ee laga badiyo kooxda waxbarashada. waxaa shucuurtiisa cabiray Dr c/laahi aw muuse oo ah dhakhtarka maanta ciyaarta shidaayey isaga oosheegay inuu ku farax san yahay mar labaadka ay garaaceen kooxda waxbarashada waxanu yidhi waa jimicsi iyo saaxiibtinimo dhex martay labada wasaaradood.

c/rashiid maxamed daahir(daacad )

Camuudnews C orrespondent

Borama office