Home » FEATURED » Koobkii Loogu Magac Daray Labadii Marxuum Xasan Kayd Iyo Marxuum Cumar Saqadhi Oo AY Kooxda Blue Sky 1-0 kaga Qaaday Koobkii Kooxda Burhaan Pharmacy

Koobkii Loogu Magac Daray Labadii Marxuum Xasan Kayd Iyo Marxuum Cumar Saqadhi Oo AY Kooxda Blue Sky 1-0 kaga Qaaday Koobkii Kooxda Burhaan Pharmacy

Boram,a ( CNN ) Waxa maanta la soo haba gabeeyey ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobkii loogu magac daray labadii marxum naxariistii jano allaha ka waraabiyee marxuum XASAN C/LAAHI BULAALE ( XASAN KEYD ) iyo Marxuum CUMAR IBRAAHIM MAYDHANE ( CUMAR SAQADHI ). ayaa waxaa ku guulaystay koobkaas kooxda blue sky oo kaga badisay 1-0 kooxd burhaan pharmacy, waxaanay ahayd ciyaartu mid aad u xiiso badan waxaana ay isku hayeen weerar iyo weerar celis labada difaacna waxay ahaayeen kuwa aan lamari karin iyada oo ay dhexda kala xidheen labada laacid ee kooxda uga ciyaarayey dhexda mukhtaar alabari oo ahaa kooxda burhaan iyo amiin cali jaamac oo ahaa kooxda blue sky. waxaana ciyaartu qaybtii hore lagu kala tagay  0-0 markii la isku soo laabtay ayaa waxa kooxda blue sky u suurto gashay inay dhaliyaan goolkii ay guushu ku raacday oo uu u saxeexay laacibka weerarka ka ciyaaraayey oday daahir caateeye, sidaa ayaanay koobkii ku qaadeen kooxdii blue sky iyaga oo damashaad ku wareegay garoonka farxad iyo rayn rayna kula hooyday. waxa intii ciyaartu socotay lagu gudoon siiyey qadar lacaga labadii qoys ee ay ka soo jeedeen labadii marxuum axanay goob joog ahaa labadii xaas ee ay ka dhinteen labada marxuum waxaana makarafonka ku soo wareejiyey inuu gudoonsiiyo lacagtaasi ay u soo direen dhalin yaro joogta wadanka dibadiisa gaar ahaan maraykanka oo uu joogo hadii aan ka xusno MUXYADIIN WARSAME iyo wadanka NORWEY oo ay joogaan dhaliyaro reer awdal ah. hadaba gudoomiyaha wasaarada isboortiga ee gobolka awdal mudane C/WAAHAB YUUSUF ( GADHLE ) ayaa ku soo dhaweeyey maayerka magaalada si uu u gudoon siiyo lacagtasi mudane C/RAXMAAN SHIDE BILE waxaan uu gudoon siiyey lacagtii ku yar oo uu dhaly marxuum xasn keyd oo ay la socoto hooyadii, iyo marwadii marxuumka cumar saqadhi oo iyana la gudoon siiyey labadooda dhinacba, qadar lacageed min afar boqol $400 dollar waxananu maayaar ku umahad celiyey dadkii soo diray ee sidani yeelay wxanu illaahy uga baryey inuu siiyo abaal kooda ajarna ka siiyo anagana naga dhigo kuwii sidaasi oo kale yeela.

c/rashiid maxamed daahir ( daacad )

camuudnews correspondent

Borama office