Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Orod Yahanka Da'da Yar Ee Reer Awdal Axmed Wali (Duulaaye ) Oo Wacdaro Ka Muujiyey Orod Lagu Qabtay London

Orod Yahanka Da'da Yar Ee Reer Awdal Axmed Wali (Duulaaye ) Oo Wacdaro Ka Muujiyey Orod Lagu Qabtay London

Scotland: (Cnn) – Waxa wacadaro layaab leh ka dhigay orod lagu qabtay magaalada london orod yahanka da’da yar ee ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal, orodyanahkan oo laggu magacaabo AXMED WELI ( DUULAAYE ) ayaa aad ugu faxasan guushan uu gaadhe, Maaha guushii ugu horeysey ee uu Oradyahan Duulaaye ku guuleysto laakiin waxaa jirtey in sanadkan bilowgiisii uu guul noocan oo kale ah u soo hooyey wadanka Scotland oo ah kan uu imika u orado.    Hadii aanu nahay shabakada Camuudnews waxaanu Duulaaye ugu Hambalyeyneynaa  guusha uu gaadhay iyo sumcada uu u soo jiidi doono gobolada uu ka soo jeedo iyo magaca umada soomaaliyeed oo dhan oo mustaqbalka marka uu Axmed Wali Duulaaye ka ordo Groomada Caalamka ugu waa weyn  ahaan doono mid kor loo qaado sida orodyahanka soomaaliyeed ee MAXAMED FAARAX  oo kale kaas oo wadanka Britian u orda maalin dhaweydna ku guulaystay bilada dahabka,  Sawiradan hoos ka muuqda waxaa ku jira sawir ay si wadda jir ah u galeen  axmed duulaaye iyo maaxamed farax oo labadooduba ah Soomaali.

c/rashiid maxamed daahir ( daacad )

camuudnews correspondent

8 Responses to Orod Yahanka Da'da Yar Ee Reer Awdal Axmed Wali (Duulaaye ) Oo Wacdaro Ka Muujiyey Orod Lagu Qabtay London

  1. Jamal

    September 9, 2010 at 6:39 pm

    Maasha Allah waa wax lagu farxaa Guul baan kuu rajaynaynaa Axmed Duulaaye
    orodad 2012 waxaan u rajaynaynaa inuu ku guulaysto bilada dahab ka ah ee Ol

  2. naag nool

    September 9, 2010 at 9:58 pm

    masha allah tabaraka allah aad banu ugu faraxsanaahay in inan rer awdal ah heerkaasi gadho ilahay waxan uga baryaynaa inuu u siyaadiyo amiiin

  3. old runner

    September 10, 2010 at 9:11 am

    Hanbalyo Axmed. Believe me, if this guy stay away from the false attractions and puts his mind into running, he would shine out of his peers. He got the hight, physical shape of an athlete and most important coming from the land of the long distance. Put your vision into school and running and God willing you will be there brother. Out of experience advice.

  4. farhan adan warsame

    September 10, 2010 at 11:13 pm

    EEBE GUUUUUUUUUL WAX KU OOLLA HAKU GAARSIIYO KII DALKIISA IYO DADKIISA IYO DIINTIISABA U HIILIYA NOQO AAMIIIN

  5. MAXAMED

    September 17, 2010 at 1:39 am

    masha alaah alaha ku guuleeyo orodyahanka da, da yar AXMED DUULAAYE . WAXAANAN KUGU BOORINAYAA HIIGSO MAANTA BARI WAAD GAADHIYE

  6. aadam

    September 18, 2010 at 2:12 pm

    FARHAN AAMIIN ILAAHAY GUUL WAX KU OOLA HA GAADHSIIYO SAMAROONA IN UU SIDAASI IGU NIYAD FIICNAADO AYAA WACNAYD OO KII GUUL GAADHA LOO HAMBALYEEYO

    • Wajale

      September 20, 2010 at 5:44 am

      Adeer Ahmed aad iyo aad baan kuugu hambalyaynayaa, waanan kugu farxay, ka fogow waxa somali iyo da’adaada oo kale baabiiyey, waxan kuu rajaynayaa GUUL GUUL GUUL ilaahayna ku xidhnaw, sharaf baad naftaada ,diintaada,dadkaaga, dalkaagaba u soo hoyn doontaa, insha allah.

  7. zayid cazaam

    September 21, 2010 at 6:36 am

    Maaaaashaaaaaaaa allaaaah al xam duli laah ad ayau u madsan yahay wiilka da’da yar ee rer awadal ee sida fiican uga qayb qaaatay orodkan