Home » OPINIONS/FIKRADAHA » Hon. Abdiraxamaan Ciro – Murashaxa min daraf ila daraf ( The Coast to coast Candidate )

Hon. Abdiraxamaan Ciro – Murashaxa min daraf ila daraf ( The Coast to coast Candidate )

Waxan rabaa in an dadweynaha reer Somaliland an wax yar ka tusso Madaxweynaha mustaqbalka dhow , Hon. Cabdiraxmaan Ciro. Al Xaaj Cabdiraxmaan wuxuu noqonayaa Madaxweyna ugu tacliin, siyaasad, iyo khibrad badan ee soo mara Somaliland. Waxa u daliila aragtidaas, heerarkiisa waxbarasho, shaqo, iyo halgankiisa siyaasaddeed, iyo aqoontiisa bulshada Somalialnd.

Waxbarashadiisa:
Wuxu waxbarashadiisa ugu kala guushay daafaha aduunka: Somalia, Finland, Russian, USA.
Wuxu wax ku soo bartay magaalooyinka: Berbera, Sheikh Mogaadisho, Qaahira , Moscow, South Carolina (USA ).
Shahaadaha Waaweyn ee u ka soo mutaystay Dugsiyada, Kuliyadaha, iyo Jaamicaduhu waxay kala yihiin:
– MBA ( SIDAM COLLEGE, MOGADISHO )
– Degree ( MASAR, Institute of National Planning )
– Master’s Degree ( African institute, Moscow, Russia )
– Bachelor of Science, Bsc. ( USA )
– Master of business Administration ( MBA ) – NEW YORK STATE, USA
Shaqooyinka u soo qabtay:
– Macalin
– Iskaashika Dhaqaalaha ( Wasaarada Arimaha Debedda, Somalia )
– Qunsul, Russia
– Hantidhowrka Waaxda Socdaalka ( Project Assisant International Organisation for Migration, Finland)
– Xoghayaha ( Somali National Democrat, SDP )
Siyaasadiisa:
– Aasaasihii Xisbiga UCID ( Wuxunna Ka noqday Xoghayaha Arimaha Debedda )
– Ku-xigeenka Guud ee UCID
– Sii Haya Jagada Guud ee UCID
– Shir- Gudoonka Golaha wakiilada ( The Chairmanship ), Somaliland
– Samaysta Xisbiga Wadani ( Gudooniyaha Guud ee WADANI )
La isma caasiye, HON. Cabdiraxaan wuxu mutaystay in noqdo ninkii ugu horeeyey ee khibrad waxabarasho, shaqo, iyo tu siyaasaddeedba ugu sareeyey. Waxa kale ee u yahay, qof madaxweyne isu soo taaga oo laga jecelyahay daafaha Soomaaliland oo dhan.
Sidaas waxan u bixiey : Murashaxa min daraf ilaa daraf ( THE COAST TO COAST CANDIDATE )
Inshallah Dabaaldegiisu uu ina hayaa

WA BILAAHJI TOWFIIQ

BY : Mohamed Ali Muse