Home » CAMUUD » Hantidhawraka Qaranka Somaliland oo Xayiraad Kusoo Rogay Kala Wareejinta Hantida Maguurtada ah Ee Qaranka

Hantidhawraka Qaranka Somaliland oo Xayiraad Kusoo Rogay Kala Wareejinta Hantida Maguurtada ah Ee Qaranka

Hantidhawraka Qaranka Somaliland oo Xayiraad Kusoo Rogay Kala Wareejinta Hantida Maguurtada ah Ee Qaranka, Qorshaynta Dhulka iyo Iibka Gaadiidka Wakhtiga Kala Wareega Labada Madaxweyne.

 

Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Xafiiskiisa Kula Hadlay Warbaahinta Ayaa Shaaciyey In Wakhtiga Kala Guurka ee Ay Xilka La Kala Wareegayaan Labada Madaxweyne, Madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Cusub ee Ku guulaystay Doorshada Mudane Muuse Biixi Cabdi In Dhammaanba La Hakiyey mudadaa Bisha Ah kala wareejinta Hantida Maguurtada ah eek ala duwan sida gaadiidka iibinta Baabuurta Dawlada ee Looyaqaan iskaraabka ama gaadiidka duuga noqday iyo sidoo kale Waxaa ay Fariin U Direen Dawladaha hoose ee dalka kuwaas oo ay fareen in wakhtigaa kala guurka aan la qorshay Karin dhulka danta guud ee qaranka ama aan la iibin Karin sifo kalena aan loo isticmaali Karin ilaa amar danbe uu kasoo baxayo xafiiskooda mudadaa labada xukuumadood la kala wareegayaan shaqada qaranka.

Ugu Horeyna Waxaa Halkaasi ka Hadlay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Mudane Siciid Saleebaan Mire Waxaana hadaladiisii kamid Ahaa.”Anagoo Tixraacayna Sharciga Cusub ee Qaranka Oo Dhammaan Hantida Qaranka uga Masuul ah haday tahay Miisaaniyada qaranka iyo haday tahay hantida guurta sida gaadiidka oo kale hadii ay tahay hantida maguurtada ah sida dhulka iyo dhismayaasha oo kale bishaa kala wareega ee aynu ku jirno ee uu madaxweynaha cusubi la wareegayo xilka waxaanu amar ku bixinaynaa oo la joojiyey dhammaan in wax kasta oo kala wareejin ah sida iskaraabka oo kale ama baabuurta duuga ah iyo sidoo kale dhamaan haddii ay tahay hanta guurta iyo ta ma guurtada ahba.

Waxaana Hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland Mudane siciid saleebaan mire uu faray dhammaan dawladaha hoose ee dalka in la joojiyey islamarkaana la xayiray dhamaan Qorshaynta iibinta iyo kala wareejinta dhulka danta guud ah si loo helo buu yidhi nidaam xisaabeed oo wanaagsan, isagoo Arrintaa Ka hadlayana Waxa uu yidhi.” Waxaanu Joojinay Dhammaan Qorshaynaha Dhulka ee Dawladaha hoose si wax kastaa u noqdaan wax sax ah, dhulka Danta Guud ee Loogu talagalay sida Dugsiyada, Masaajidada, Malcaamadaha, waa la joojiyey, sidoo kale waxaanu faraynaa in qorshaynta dhulka isagana la hakiyey mudadaa, Markaa Waxaanu La socodsiinaynaa Madaxda Qaranka haayadaha ku Shaqada Leh sida Dawladaha hoose iyo wasaarada hawlaha guud Waxaanu la socodsiinaynaa in aan la iibin Karin dhul ama dhisme aan cid lagu wareejin Karin wakhtigaa kala wareega ah.”

Dhinaca Kale Agaasimaha Guud ee Hantidhawrka Guud Qaranka Somaliland Mudane Axmed Xaashi Cilmi ayaa Isaguna sheegay in Si loo sugo Xoolaha Qaranka oo ah hantida Shacabka Somaliland Si foojignaan ah ay uga hawl galeen wakhtigan kala guurka ee lagu jiray ololaha waxaanu u mahad naqay dhammaan haayadaha kala duwan ee sida wanaagsan ula shaqeeyey haddii ay yihiin ciidamada amaanka iyo laamaha kale ee dawlada Waxaana agaasime Axmed Xaashi Cilmi uu ku dheeraaday in hakintaa lagu sameeyey hantida maguurtada ah wakhtigaa kooban ay tahay xisaab wanaag la doonayo in Xukuumada Cusub ee Dhawaan xilka la wareegi doontaa ugu timaado hanta kasta iyo halka ay ugu jirto xisaabta qaranka Waxaana uu ku wargeliyey dawlada hoose ee dalka in wakhtigaa mudada bisha ah aaney jirin wax kala wareejin ama qorshayn dhul iyo iibka dhulka hantida maguurtada ah iyo hantida guurtaba la joojiyey sidaa loogu hawlgalo qaranka.

Waxaana ay Gabagabadii masuuliyiinta Hantidhawrka Qaranka Somaliland Hanbalyo u Direen Madaxweynaha iyo Ku xigeenka cusub ee Ku Guuleystay Doorashadii Dalka Ka Qabsoontay oo hogaamin doona Dalka Shanta Sano ee Soosocta.iyagoo ilahay uga baryey in uu ku guuleeyo xilkaa culus ee shacabka Somaliland u igmadeen.