Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Saafida soo jireenimada caanimada , Cududa Iyo Cuudka Ay Ku Abtirsato Saldanada uu kasoo jeedo Suldaan xasam xado xirsi {Suldaan Baade}

Saafida soo jireenimada caanimada , Cududa Iyo Cuudka Ay Ku Abtirsato Saldanada uu kasoo jeedo Suldaan xasam xado xirsi {Suldaan Baade}

Saafida soo jireenimada caanimada , Cududa Iyo Cuudka Ay Ku Abtirsato Saldanada uu kasoo jeedo Suldaan xasam xado xirsi {Suldaan Baade}
SULDAANKA SULDAANADA SOMALILAND.
SULDAANKA BEELWEYNTA MAKAAHIIL
SULDAANKA BEELAHA JIBRIIL YOONIS EE KU MEEL GAADHKA AH
SULDAANKA BEESHA REER AXAMED
inta aanan galin taariikhda aan la qayi karin ee suldaan xasan xadi xirsi khayre CALI CADE WAADHOWR XOOSH AXAMED YOONIS (REER AXAMED),waxaan halkna ka xusayaa inay allaha u naxariistee aabahay oo heelo maal ahaa heelada wada tuman jireen aanay xoolaha u wada xergayn jireen maalaha baadka leh suldaan xasan baade wuxuu ka soo jeedaa jilibka reer khayre alaal oo ka mid ah todobada WIIL ee uu dhalay cali cade oo ahaa abaankii SAYLAC KA SOO KAXEEYEY RICHARD FRANCIS BURTON oo ahaa ninkii u horeeyey ee caadaana ee bariga afrika sahamin ka bilaaba saylac ilaa harar. jilibka reer khayre alaal laba arrimood ayaa lagu yaqaanaa gabayaanimada iyo awliyonimo labadaasina suldaan baade wuu leeyahay oo waa gabayaa waana AWLIYO oo haddii aanu reer axamed badhkood caasiyeen lama hiigsandeenba, waxaa dhacday waqti ay allaha u naxariistee aabahay mederka lo u xer geeyeen oo libaax sac ku soo abraaray oo baade ka riday wuxuu aabahay ku dhuftay afaray dhiiri galina
MARKII SACII GEESKA WEYNAA
AARKII GUUDKA KAGA BOODAY
ADNA GOODIRAALOOW (tima goodire naanaysta aabahay)
MIYAAD GOLAHA UUN JIIFTAY kkkk
allaha u naxariistee markii aan aabahay waydiiyey arrinkaas way jirtay ayuu yidhi laakiin waxaa i sii hafeefanaysay ayuu yidhi dhaawicii dagaalkii labaad garabka dabadiisa iga gaadhay oo xanuun dambe waan ka warwareegaayey ayuu yidhi waxaanan is lahaa sac iyo adiga,adigaa qiimo badan
waa kale oo hayada SCF UK ilaaladeeda SULDAAN BAADE haystay oo maamule ka ahaa axmed cige tiigsi ayaa bishii markuu mushaharka siiyo maamulihii xeradu ku odhan jiray jaadka noo qaad adigaa madaxii ilaaladee hada maamuluhu wuxuu gaar u leeyahay laba gaadhi oo laankurusaro ah oo midkood unhcr u shaqeeyo waqtigaas suldaan baade oo ka yaabay baahidan haysa maamulaha weliba labada gaadhi leh ayuu isna afaray ku dhuftay
NINKA BANGIGA LACAG BUUXSADAY
IYO WELIBA BAABUURO
EE BAWLAD NINKII HAYSTAY
BAAHI U DOONTAY
ISAGABA BARTII CELIN
LAHAYD BAL IS WAYDIINO KKKKK
ilaahay lexjecladaas xun waaka nooga duway labadan ay iska dhaleen faarax muuse tiigsi iyo allaha u naxariistee xabiiba cali maygaag.
aniga oo ka soo bilaabi doona suldaan cali cade oo qabrigiisu ku yaalo degaanka cali cade oo u dhexeeya satawa iyo quljeed waxaan si weyn uga faaloon doonaa sababaha ay kulmiye isku fahmi waayeen SULDAAN BAADE sababta ugu weyna tahay inay isaga iyo saldana reer axamedba ka caansanyihiin kulmiye iyo dadka ka sharaxanba sidaasna aanu ugu xarigi karin sida saldanadaha aakhira samaan oo maalin meel mid aan asal iyo ataar saldanadeed lahayn lagu cimaamado garan waayey wuxuu madaxweyne muuse biixi kaga wareegi jiray nin awowgii cali cade dalka soo galiyey faranjigii ugu horeeyey ma is waydiiyey halkuu madaxweyne muuse biixi waagaas awowgii joogay miyaanay iska cadayn inuu geel meelahaas doobiga u sitay saakadaas uu madaxweynaha yahay ayuuna jirin suldaan reerkiisa reer samatar ah oo caana oo la yaqaano ama saldano ku abtirsada alla maxaa la isku lu goyaa, muuse malaha wuxuuba ugu cadhaysanyahay inaanu suldaan baade ula shaqayn sida suldaana awdal looga yaqaano SOORAAN IYO JOWAAN adeer dibdis madaxweyne dadku isku qiimana maaha isku caanimana maaha iskuna shaqsiyad maaha kuwaagaas wadwado waxay kuu gooyaanba dadkani waa dad karaame iyo milgo ku abtirsada ee ama marinkoodii iyo maamuustoodii u soo mar ama waxaad ku samayn kartaa yare qalinkaaga miciinso oo inamada ka soo jeeda ee maalahaas sifaha shaqsiga iyo muwaadinimada leh uga shaqaysta marba mid ka qaad ilayn ceebtaas ayuu macalinkaagii siilaanyo iyo macalin yaraahaaga sayliciba hore u soo sameeyeene waabad bilowdee iska wad durba waadiga eryee AXMED FAARAX MIICAAD macalinkii kastamada somaliland irdaha u furay wad kuwo kalena ka qaad waa waxaad ka hesho la socda taariikhdii socdaalkii richard burton iyo dagaalka ingiriiska iyo reer axamed ku dhex maray goodir ingiriis dilay kaasi oo keenay in calaamada booliiska ee goodirka abaal gud looga dhigo ka dib markii reer axamed looyaro ka soo kiraystay hindiya ingiriisna denbiga dusha loo saaray denbigaas oo ahaa ku xadgudub duurjoog saldanadii degaanka aanan looga amar qaada

Qalinkii iyo taariikh qorka Saleeban Mandeela

Leave a Reply