Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Qodobada Madaxwaynaha Ladoortay Ee Somaliland Muuse Biixi Horyaala Halista Awooda Beelaha Jeegaanta Oo Meel Walba La Wareegtay Somaliland+Dagaal Sokeeye Oo …

Qodobada Madaxwaynaha Ladoortay Ee Somaliland Muuse Biixi Horyaala Halista Awooda Beelaha Jeegaanta Oo Meel Walba La Wareegtay Somaliland+Dagaal Sokeeye Oo …

Boorama{Camuudnews.net}Tan iyo markii uu xukunka ku Guulaystay Madaxwayne Siilaanyo 2009kii waxaa Somaliland la wareegay beelaha isbaahaystay ee labaxay Jeegaanta.Beelahani oo ka kooban qaar degan Hargeysa iyo Bariga Burco ayaa dhisay xukuumad awoodeedu iyaga ku kooban tahay.

JIIGGL

Xukuumada Siilaanyo ayaa soo saartay siyaasiyiin aan hore loo aqoon iyo masuuliyiin qurbajoog u badan oo isbahaysiga Jeegaanta ka kooban.

Beelahani ayaa ku talaabsaday talaabooyin istiraatiji ah oo awooda dalka ay kula wareegayaan dhinaca Milateriga,laamaha amaanka,dhaqaalaha iyo awoodaha dawladu leedahay ee kala duwan.

Xukuumada Siilaanyo oo ka kooban tahay isbahaysiga Jeegaanta ayaa samaysay Raysalwasaare qarsoon oo shiiqiyay awoodii awalba dastuurku xanibay ee Madaxwayne Ku xigeenka waxaana awooda ugu badan qaatay xafiiska Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo awooda balaadhan la,iskugu geeyay.Jeegaanta ayaa sidoo kale kala qaatay wasiirada ugu awood badan ee A ah isla markaana wasaaradaha liita waxaa loo safay beelaha aan Jeegaanta ahayn sidoo kalena waxaa meel xun la dhigay Beelaha aan Isaaqa ahayn ee darifyada oo loo dhiibay xilal loo bixiyay kor uhay.waxaana la gaadhsiiyay heer uu wasiirka aan jeegaanta ahayni uu ka amarqaato wasiirka beelaha Jeegaanta ah oo awood u leh in uu eryi karo ama badali karo wasiirka beelaha Jeegaanta aahayn.

Waxaa la dhisay oo la shaaciyay darajada ciidamada 28ka sargaal ee Somaliland ugu sareeya ayaa waxaa kala qaybsaday beelaha Jeegaanta loo yaqaano ee Subeer Awal Iyo Habarjeclo,waxaa darajooyin hoose wax laga siiyay beelaha darifyada iyo beesha Garxajiska oo si wayn loo faquuqay.

Qandaraasyada iyo dhaqaale abuurka ayaa meesha ka maqnayn waxaana qandaraasyada lagau taxay dhamaan oo kala qaybsaday beelaha Jeegaanta waxaana cashuur saa,id ah laduldhigay beelaha darifyada.Xuduudaha laga soo gudbo ee Wajaale Iyo Lowyacado ayaa Wajaale wax cashuur ah ama dal kugal ah laga qaadin halka 31Dolar qofkiiba laga qaado beelaha Gobolka Awdal oo ahayn Jeegaanta.

Cashuurta Qaadka laga qaado ee Kalabaydhka Iyo Kan Borama ayaa isdheer 3Dolar marduufkiiba,halka jawaanka Sonkorta Cashuurta laga qaado Gobolka Awdal 7 Dolar ayaa Hargeysa ilaa Burcona laga qaadaa 2dolar.

Hadaba cadaalad daradaasi oo shacabka Somaliland inta aan ahayn Jeegaantu ka dagaalameen ayaa waxaa muuqata in Jeegaantu dhaqaale kukula dirtay dhamaan cadhadii iyo duruufihii ciqaabta ahayd ee 7sanno ku hayeen shacabka Somaliland.

Siyaasi dhaqaaleyahana oo Boramanews uga waramay doorashada Muuse Biixi ee qori iskudhiibta Jeegaanta ayaa ka digay inuu Muuse Bixii cunaqabataynta kusiihayo shacabka aan Jeegaanta ka tirsanayn,wuxuuna sheegay in aan la aqbali karin in shacabka qayb la gumaysto qaybina ku naaxdo dhaqaalihii iyo hantidii dalka ee lawada lahaa,wuxuuna sheegay in ilgaara oo xaasaasiya lagu eegayo talaabooyinka Muuse Biixi qaadayo ee dhanwalba leh haddii cadaalad lawaayana soo degdegi doonto in dagaal sokeeye ka qarxo Somaliland.

Lama oga Muuse Biixi waxa uu ka yeelayo Ciidamada RRU oo ka kooban beelaha Jeegaanta ,Darajooyinka dhinaca ka raran,dhaqaalaha naasnuujiska ah iyo qandaraasyada oo beelaha Jeegaantu isku koobeen,cashuurtii shacabka oo beelahaasi ku faa,iideen iyo mashaariicda DP World iyo qandaraasyada oo hore ugu heshiiyeen Jeegaantu taasi oo ilgaara lagu hayo.

Leave a Reply