Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » DAAWO_Ciyaaryahankii Hore Ee Arsenal Emmanuel Eboue Oo Darbijiif Noqday Hantidiisii Oodhan Lagala Wareegay Inuu Isdilo Oo Kafikiray Iyo Galatasaray Oo Si Deg Dega …

DAAWO_Ciyaaryahankii Hore Ee Arsenal Emmanuel Eboue Oo Darbijiif Noqday Hantidiisii Oodhan Lagala Wareegay Inuu Isdilo Oo Kafikiray Iyo Galatasaray Oo Si Deg Dega …

 Ciyaaryahankii caanka ahaa ee Arsenal Emmanuel Eboue oo xanuun xaga dhibirka ah haleelay ayaa cidla kusoo dhacay kadib markii xaaskiisa Aurelie iska furtay maxkamadna xukuntay inuu soo wareejiyo Gurigiisa iyo hanti uu lahaa.Ciyaaryahankani ayaa dhaqaalihiisa ay maamuli jirtay xaaskiisu isla markaana si farsamaysan ku khiyaantay inay ka saxeexdo dhamaan dhaqaalaha Akoontiisa kusoo dhacayay oo malaayiin Pound ahaa.Waxa uu yidhi bangiga ayaa la,igu khiyaamay waxaana aan ahaa aabo 3caruura iyo xaaskiisa u daacada waxaan helaba iyadaan u dirayay waxaanse ogaaday inaan qaldanaa maantana cidla ayaa taagan ahay.

rr

Emmanuel Eboue ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu lumiyey gabi ahaanba hantidiisii, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu ka ciyaaray finalka UEFA Champions League, sidoo kalena uu malaayiin ginni qaadanayey muddo 7 sanno ah oo uu ka xamaalanayey horyaalka England Premier League.

Emmanuel Eboue oo u dhashay dalka Ivory Coast ayaa sidoo kale wadan jiray gawaadhi qaali ah, laakiin hantidiisii oo dhan ayuu lumiyey ka dib markii uu xaaskiisii iska furay, wuxuuna haatan seexdaa jardiinka guri uu leeyahay nin ay saaxiib yihiin.

Xitaa geesigii kooxda Arsenal Emmanuel Eboue ayaa u sheegay majaladda Daily Mirror inuu ku fikiray inuu isdaldalo.

34 sanno jirkan reer Ivory Coast ayaa u ciyaarayey kooxda Arsene Wenger intii u dhexeysay 2004 illaa 2011kii, waxaana la aaminsan yahay in hab maamulkiisa xun uu sabab u noqday inuu lumiyo wixii hanta uu lahaa oo dhan, sidoo kale seddaxdiisii caruurta aheyd ayaa waxaa ka wadatay xaaskiisii .

emmanuel eboue3

Kadib markii warbaahinta laga arkay ninkaasi rafaadsan iskuna dayay inuu isqariyo is dadku u garan ayaa waxaa usoo gurmaday Madaxa Kooxda Galatasaray ee dalka Turkiga Fatih.Emmanuel Ebaoue ayaa yidhi waan ku faraxsan ahay in Gudoomiyaha Galatasaray uu go,aansado inuu icaawiyo waana aabahay oo kale wuuna ku mahadsan yahay in noloshayda wax ka taro waanan qabanayaa shaqada la,ii dhiibay.Galatasaray ayaa ciyaaryahankani khasaaray u qorshaysay inuu tobobare u noqdo kooxda da,dda yar ee galatasaray..