Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Jabuuti Iyo Somaliland Oo Samaynaya Iskaashi Dhanka Aminiga Ah Ka Dib Booqashadii Madaxwayne Muuse Biixi Ku Tegay Dalka Jabuuti

Jabuuti Iyo Somaliland Oo Samaynaya Iskaashi Dhanka Aminiga Ah Ka Dib Booqashadii Madaxwayne Muuse Biixi Ku Tegay Dalka Jabuuti

Wafdi uu hogaaminaye Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen Geelle iyo Biixi waxaa kamid ahaa:- Iskaashiga dhanka Amniga oo ay ku heshiiyeen sameynta Guddiyo labada dhinac ah, La dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, Isku safridda Soohdinta ay labada dhinac wadaagaan oo Muddooyinkii dambe laga cabanaye iyo qodobo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Heshiiskaan uu labada dhinac u yahay mid ku dhaqan gali kara iskaashiga labada dhinac.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in shirkaan uu bilaw u noqon doono xoojinta Xiriirka labada Dhinac, Isagoona soo jeediyey in la dhaqan geliyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa tibaaxay in dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira Gobolka Afrika in ay tahay Burcad badeedda iyo waxa loogu yeero Argagixisada.

Wasiir Maxamuud ayaa dalbaday in Mas’uuliyad la iska saaro sidii looga adkaan lahaa, maadaama Caqabada ugu badan ay yihiin, ayna ku yeeshaan deegaanka sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha  Somaliland ee ku guuleystay Doorashii dhamaadkii Sanadkii tagay ayaa safarkiisii ugu horeeyey uu kaga amba-baxo ku tagay Wadanka Jabuuti.

Xafiiska Wararka Camuudnews.net

Leave a Reply