Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Mawlada Iran Oo Xabsiga U Taxaabtay Madaxwaynihii Hore Ee Dalkaasi Iran Maxamuud Axmedi Najaad Iyo Dambiga Lagu Soo Eedeeyay

Mawlada Iran Oo Xabsiga U Taxaabtay Madaxwaynihii Hore Ee Dalkaasi Iran Maxamuud Axmedi Najaad Iyo Dambiga Lagu Soo Eedeeyay

 Dowladda Iraan ayaa xabsiga dhigtay Madaxweynihii hore ee Dalka Iraan Maxamuud Axmedi Najaad,kaas oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay dibadbaxyada ka dhanka ah Dowladda ee ka socda dalkaasi Iraan.

Wargeyska Al-Quddus Al Carabi oo fadhigiisu yahay London oo xiganayay Saraakiil gudaha Iraan ku sugan ayaa sheegay in Maxamuud loo xiray hadallo uu ka jeediyay banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda oo uu dhaliil ka jeediyay.

Najaad waxaa uu booqday Magaalada Shiraz,halkaas oo uu kalmaddii uu ka jeediyay ay dowladda hadda jirta u aragtay mid iyada iyo shacabka iska horgeyneysa.

Diblomaasiyiin ku sugan Iraan ayaa u sheegay Al-Quddus Al-Carabi in xarigga Axmadi Najaad uu amray hoggaamiyaha kacaanka Iraan Ayatullahi Cali Khamani.

Dowladda Iraan ayaa in ka badan 1,000 Qof u xir xirtay banaanbaxaydii dowladda ka dhanka ahaa waxaana kulan shalay ay yeesheen Golaha Baarlamaanka warbixin looga dhageystay Madaxa sirdoonka iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Warbixintooda ayey ku sheegeen in inta badan dadkii la xir xiray damiin lagu siidaayay kaddib markii ay u bateen dhallinyaro shaqo la’aan ah,halka kuwo kalena ay caddaaladda sugayaan.

Xafiiska Wararka Camuudnews.net

Leave a Reply