Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » QORMO. WALAALAYAAL BAAQ GURMAD, GARGAAR DEG DEG AH- ABWAAN AFGUDHIYE.

QORMO. WALAALAYAAL BAAQ GURMAD, GARGAAR DEG DEG AH- ABWAAN AFGUDHIYE.

Camuudmedia ( Boorama)  Ugargaar abwaan u itaal daran diifta xanuunka joogtada ah ilaahay baa wax gargaaree. U gargaar allaha ku gargaaree, walaal u gargaar waa abwaankeenii, waa adeerkeen waa dhiigeenii, waa ehelkeen oo u itaal daran xanuunka uu leeyahay caafimad la,aantu.

Abwaan afgudhiye waa qayb dhan oo muhiima oo bulshadeena kamid ah, u naxariiso walaalkaa allaha ku naxariistee, manta yuu garab u baahan yahay walaal gargaar aynu fidino inta uu nool yahay. Abawaanku wax la,aan daryeel la,aan nafaqo la,aan yaanu kaga tagin aduunyada , ilaahay ayay gacantiisu wayn tahaye il naxariis leh ku eeg muuqaalada sawirada abwaankeena.

mee dareenkii tolnimo, mee dareenkii walaalnimo, wax isku ahaanshuhu ma isku eega duruufaha aduunyadaa mise waa inta la caafimad qabo ilahay ayaa gargaar lee walaalayaal garo oo gudo masuuliyada kaasaaran dadkaaga. Xaaladu waa mid adag oo culeyskeeda leh oo uu ku sugan yahay abwaankeenu, xaaladu waa mid halis ah gurmad deg deg ah u baahan.

Gargaarkeena iyo taakulaynteena ayaa ka qiimo badn wax walba. Dhamaan kaca: haween , dhalinyaro,iyo waayeel meel aynu aduunka ka joognaba, ololle dhaqaale ururin oo ku salaysan islaanimo, somalinimo iyo qiimayn abwaankeenu ku leeyahy gobolkeena dartiiz. Dhalinyarada reer Awdalaw kaca oo caawiya ABWAAN AFGUDHIYE ilaahay ayaa wax caawiyee ,

Ganacsatadii mee ,Abwanadii somaliyeed mee ha la ogaado walaalkeen gaar ahaan dhalinyarada aan kamidka ahay ee reer awdal dal iyo dibadba Barnaamijyo aan wax tar badan lahayn waynu ku daalnay , mantase waxaan rabaa is garabsi aynu garab siino walaalkeen Adeerkeen ABWAAN AFGUDHIYE.

Sidaa daraadeed nin waliba dadkii ayaa u hanta ah, manta abwaankeenu ianka ayuu hanta leeyahay , Inakuna suugaantiisa iyo magaciisa ayyanu hanta u leenahy . In badan ayay dhagahayga ku soo noqnoqotey ABWAAN AFGUDHIYE oo caafimadkiisu aad u liito, ilahy ayaa wax caafiyee ninakuna garab aynu bixino dhalinyaro ahaan , gaar ahaan dhalinyarada ku sugan gudaha somaliland ee ku aftirsanaysa gobobolka awdal , ee sida tooska ah u dul jooga dhibta caafimad la,aanta haysata abwaankena indhahoogana kagag boganaya hadba marxalada uu ku jiro.

Nin la sugayoow maxad sugaysa Nin lagu seexdow ha seexan. Ceelna uma qodna cidna uma maqna

!!!!!!!!!! (Ilahay ka soko Abwaan Afgudhiye somalibaa leh).

By: Abdirahman Aburaas