Home » CAMUUD » Shacabkii Awdal Siyaasad Ayey Ku Kala Dhinteen, Salaadiintiinta Cimaamadii Ayaa ka Dhacday, Aqoonayahankiina Qalinkiibaa Ka Dhacay. Muuse Biixina Markuu Soo Baxay Muraayad Madow Ayuu Ka Xidhay Maxaase Uga Qorshaysan Saami Qaybsiga Dastuurka La Furayo Reer Awdal…

Shacabkii Awdal Siyaasad Ayey Ku Kala Dhinteen, Salaadiintiinta Cimaamadii Ayaa ka Dhacday, Aqoonayahankiina Qalinkiibaa Ka Dhacay. Muuse Biixina Markuu Soo Baxay Muraayad Madow Ayuu Ka Xidhay Maxaase Uga Qorshaysan Saami Qaybsiga Dastuurka La Furayo Reer Awdal…

Borama(Camuudnews)Waxaa Mudooyinkii Ugu Dambeeyey Siweyn Loo Hadal Hayey Gaar ahaan Deeganaada Kala Duwan Ee Beelaha Darifyada Hanaanka Iyo Qaabka Loo Wajahayo Dastuurka S/land Oo La Furayo Si Meesha looga Saaro Saami Qaybsiga Tabashada Badan Keenay.

 

 Reer Awdal Maanta Maalin Ay ka liitaani Ma Jirto,Mana Soo Marin inay dib u soo mari doonto ALLA Oge. Sababtoo ah Malaha Siyaasiin Adag Oo Si dhiiran Uga Hadla Qadiyada Gobolada Awdal Iyo Salal,Marka Laga Reebo Xildhibaan Ahmed Yasiin Sh.Cali Ayaanle Oo Isaga Laf Ahaantiisu Waqti Xaadirkani U Muuqda Siyaasi Dantiisa Gaarkaa Ka Door Biday Danta Guud, Kuna Darsoo Siyaasiinta Awdal Malaha Mabda Iyo Mawqif Ay Ku Midaysan Yihiin Marka Laga Reebo In Ay Tumida Sacabka Iyo Jiibta Guulwadaynta Ay U Kala Qaabilsan Yihiin Siyaasiinta Beesha Dhexe Ee Mucaarid Iyo muxaafid Iskugu Jira.

 Taasi Waxaa Dheer Dhibaatada Ku Habsatay Aqoonyahanada reer Awdal iyo Salaadiintoodaba Oo Labaduba waxay ku dhex milmeen loolankii doorashada si badheedh ah ayuu nin waliba xisbigiisii u taageeray. usha ayey biyaha la dhaceen. Shacabkii reer Awdal waa Ay kala qaybiyeen Mana Fahmin Dabinka Ay Siyaasiinta Beesha Dhexde U Dhigeen Oo Ahayd In Ay Birta Is Dhaafiyaan Waana Sida Ay Rabeen Musharixiinta Kala Ah C/Raxmaan Ciro Iyo Muuse Biixi.

Maanta reer Awdal waxaa ku dhacay Waji gabax, Doorashadii lagalay Ka Dib Xanaftii dadka soo kala gaadhay cidna waxba kuma helin. Oo soo baxe markuu soo baxay galbeed xilba iskama saarin saddexdii waraabe u taag ee waligoodba loo tuuri jiray ayaa Xilal Aan Manfac Badan Lahayn Wax Loogu Qaybiyey.

Inkastoo Waqtigii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dalku Uu Socday Ay Siweyn Shacabka Reer Awdal Ay Isku Hiifeen Kuwaasi Oo Ay Dhexdooda Ka Dhex Dhalatay Kala Fogaansho Ay Ka Dambeeyeen Siyaasiinta Inta Badan Dana Hooga Gaarkaa Ka Horumariya Danta Guud.

Inkastoo Shacabka Reer Awdal Ay Kala Taageersanaayeen Labada Xisbi Ee Tartanka Adagi Dhexmaray Hadana Ma Muuqato Natiijo Wax Ku Ool ah Oo Ay Soo Hooyeen Dhinacyadii Guulastay Iyo Kuwii Laga Guulastayba Marka Laga Reebo “ANAGAA UGU BADAN DADKA AWDAL IYO ANAAGA KAA DEEGAAN BADAN.

Hayeeshee Shacabkii Awdal Siyaasad Ayey Ku Kala Dhinteen, Salaadiintiinta Cimaamadii Ayaa ka Dhacday, Aqoonayahankiina Awdalna Dal iyo Dibadba Qalinkii Ayaa ka Dhacay, haybadoodiina Way luntay Muuse Biixina Muraayad madow Ayuu ka Xidhay. Waxay Fari Ku Godantahay Sida Muuse Biixi u Fulin Doono Balan Qaadyadii Uu Reer Awdal U Sameeyey Dhinaca Saami Qaybsiga.

Geesta Salaadiinta Reer Awdal Aqoon Yahankooda Iyo Siyaasiintoodu Si Calool Furan Ugama Wada Hadlaan Arimaha Danta Guud Oo Yaab Iyo Aamusbaa Ku Habsaday.Su’aasha Iswaydiinta Mudani Waxaa Ay Tahay “Yaa Reer Awdal Xaqoodii Doonaya?Yaa U Hadlaya?Yaa Matalaya ?Yaase Goob Inta Uu Iskugu Koono Ka Dhaadhicinaya Sidii Ay U Doonan Lahaayeen Saamigoodii Mudada 27 Sano Ah Kaga Maqan Dawlada S/land Kaasi Oo Ah Mid Ay Ku Taamayeen Caruur Iyo Ciroolaba.

Inkastoo Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayna Si Rasmiya U Shaacin Waqti La Guda Gali Doono Furitaanka Dastuurka Si Xal Waara Looga Gaadho Guud Ahaan Tabashooyinka Shacabka Kala Duwan Ee Beelaha Darifyada S/land Ka Muujiyaan Saami Qaybsiga Dastuurka S/land…

Laakiinse waxa hubaal ah In Hadba Xukuumada Joogtaa Ay Iska Aaamusiiso Hadba Gobolkii Ugu Qaylo Dheer  maanta Reer Sool Ayaa ugu qaylo dheer Oo Cadka Ay Xukuumada S/land Ku Leeyihiin Maanta Wuu Ka Wanaagsan Yahay Kan Beelaha Gobolada Galbeedku Qaateen Waa Awdal Iyo Salale,

Hadii Ay Reer Awdal Ka Gudbiwaayaan Mashquulka Dhexdooda ah Waxaa Hubaal ah In Saamiga S/land Uu Noqon Doono In Ay Cad Quudheed Ka Heleen Dastuurka La Furayo Waliba Awood Dawladeed Inta Loo Isticmaalo Si Jujuub ah Loo Dhaqan Galin Waayo Qoodadaasi La Siiyey.

Isku Soo Wada Duuboo Waxaa Laga Dhursugi Doonaa Waqtiga Iyo Mudada Ay Ku Qaadan Doonto Haldoorka Kala Duwan Ee Reer Awdal Ee Wali Ku Mashquulsan SIdii Ay Dhexdooda Isku Birayn Lahaayeen