Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » UN-ka Oo Qeylo-Dhaan ka muujiyey Qaxooti Badan Oo Lagu Kufsaday wadanka Giriiga

UN-ka Oo Qeylo-Dhaan ka muujiyey Qaxooti Badan Oo Lagu Kufsaday wadanka Giriiga

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay warbixinnada ku saabsan rabshadaha jinsiga oo kor u kacay iyo dhibaataynta muhaajiriinta magangalyo-doonka ku sugan xerooyinka qaxootiga ee xeryaha buux dhaafka ah ee Giriigga.

Afhayeenka UNHCR Cécile Pouilly ayaa sheegay in hay’addu ay heshay warbixinno laga soo bilaabo sanadii 2017 ilaa 622 qof oo ka badbaaday rabshadaha iyo kufsi jinsi ah ee jasiiradaha Giriigga, ugu yaraan boqolkiiba 28 dadkaasi ayaa sheegay in la dhibaateeyay kaddib markii ay tageen wadanka Giriigga.

Wuxuu intaa ku daray in haweenku ay sheegeen dhaqanka aan habooneyn, dhibaataynta galmada iyo isku dayga kufsiga jinsiyadaha ay ka mid ahaayeen noocyada ugu badan ee rabshada.

Cécile Pouilly ayaa sidoo kale sheegay in kumanaan qaxooti ah ay wali ku jiraan xaalad aan fiicnayn & hoy aan habooneen ee xarumaha soo dhaweynta iyo aqoonsiga (RIC) ee Moria (Lesvos) iyo Vathy ee (Samos).

Qaar ka mid ah 5,500 oo qof ayaa ku jira xarumahaan, taas oo laba jibaareysa awoodooda loogu talagalay & iyada oo dhacdooyinka kufsiga ee Moria ayaa aad u sareysa, ayuu yiri Pouilly.

Wuxuu intaa ku daray in ay adagtahay in la aqoonsado lana caawiyo dadka ka badbaaday sababtoo ah cabsida, ceebta, gargaar la’aanta, iyo cabsida ku saabsan takoorka, dhaleeceynta iyo falcelin danbe.

Leave a Reply