Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Daawo Gaadhiga ugu Qaalisan Caalamka Ee {BMW} laguna Sameeyay Dalka Jarmalka Sanadkii 1985 oo Somaliland na Kaligii Yaala oo Boorama lagu dhex wato ( SAWIRO)

Daawo Gaadhiga ugu Qaalisan Caalamka Ee {BMW} laguna Sameeyay Dalka Jarmalka Sanadkii 1985 oo Somaliland na Kaligii Yaala oo Boorama lagu dhex wato ( SAWIRO)

 Boorama{Camuudnews.net) Gaadhiga ugu Qaalisan Caalamka Ee {BMW} laguna Sameeyay Dalka Jarmalka Sanadkii 1985 oo Somaliland na Kaligii Yaala oo Boorama lagu dhex wato ( SAWIRO)

Gaadhigan Magaciisa ayaa waxa la yidhaa Bavarian Motor Works oo loo soo gaabiyay BMW oo ah shirkada samaysay Gaadiidkan shirkadani ayaa la aasaasay sanadkii 1916 xarunteeda ugu wayna waxay ku leedahay magaalada Munich shirkadan BMW waxay gaadiid usoo saartay wadamada Germany, Brazil, China, India, South Africa, the United Kingdom and the United States. sidoo kale waxay shirkadani samaysaa noocyo kamida mootooyinka iyo diyaaradaha kala duwan , sanadkii 2015 ayaa waxa la ogaaday in shirkadani ay soo saartay in kabadan laba milyan oo gaadhi oo kor yaala dunida aynu ku nool nahay

Hadaba magaalada Boorama  caasimada labaad ee Soomaliland waxa yaala mid kamida Gaadiidka ay shirkadani soo saartay Markii ugu horeysay gaadhiga noocan ahi shirkada BMW waxay soo saartay sanadihii 1985-1987 xiligaasina waxay shirkadu soo saaartay 600 oo gaadhi oo nashqadani leh kaasi oo ah qaabkiisu BMW E30 “M3 Sport Evolution”

Gaadhigani ayaa waxa uu kamid yahay kuga ugu qaalisan ee aduunka ka jira , waxaana haatan gaadhigan BMW uu yaalaa magaalada Boorama waxaana iska leh Mid kamida farsamayaqaanada Ugu caansan magaalada Boorama ee loo yaqaano Eng: Cabdi kayd

Gaadhigan Qiimaha uu caalamka ka taagan yahay ayaa ah mid aan la qiyaasi karin wadamada qaar ee dunida ku yaala qofka raba inuu iibsado gaadhiga Bavarian Motor Works BMW Xaqiiqo ahaa waxa hubaal ah inuu miiska saarayo qadar lacageed oo dhan 50,000 oo doolarka maraykanka ah hadba wadanka uu yaalo iyo sida lagaaga iibinayo ayay ku xidhan tahay

SAWIRO KU SAABSAN GAADHIGA Bavarian Motor Works BMW oo BOORAMA uu ku dhax wato eng: Cabdi kayd

fiiro gaara gaadhiga xaga hoose aad ku arkaysaan waa isaga oo yaala magaalada Munich ee dalka jarmalka