Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » 9 qof oo daadad ku dileen qeybo kala duwan oo ka mida dalka Kenya

9 qof oo daadad ku dileen qeybo kala duwan oo ka mida dalka Kenya

9 qof ayaa daadad ku dileen qeybo kala duwan oo dalka ah ayadoo dalka ay ka Da’ayaan roobab mahiigaan ah.

Lix ka mid ah dadkaas ayaa ku dhintay deegaanka Mwingi. Roobabka mahiigaanka ah ayaa sababay in ay fatahaan webiyo

Labo qof waxay ku dhinteen degmada Kajiado. Hal arday oo iskooley ah ayaa isna ku dhintay Mai Mahiu oo ka tirsan degmada Naivasha. Dhowr waddo ayaa go’ay oo daadad gooyeen degmada Naivasha.

Dhanka kale wadada Mombasa iyo Nairobi isku xidha ayaa ka go’day  deegaanka Athi River kadib markii ay biyo qariyeen buundada Athi River. Gaadiidkii halkaa u dhowaa ayaa loo weeciyay shalay galab wadada Kangundo Rd.

Laanta saadaasha hawada ayaa uga digtay dadka kunool magaalooyinka iyo meelaha hooseeya maadaama roobab kale oo mahiigaan ah la filayo inay dalka ka da’aan maalmaha soo socda.