Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Xaflada taageero loogu raadinaayay xukumada Muuse Biixi iyo Professor Samater dhulka jiiday

Xaflada taageero loogu raadinaayay xukumada Muuse Biixi iyo Professor Samater dhulka jiiday


Xaflada taageero dibada lagu raadiyey xukumada Muuse Bixii ayaa ka dhacay
habeenkii axadii ee todobaadkii tagay magaalada minnepolis ee cariga
maraykanka, xafladan ujeedada ay xabaarsanayda ahay sidii bulshada reer
Somaliland ee ku dhaqan qurbaha laga daadajin lahaa siyaasada ku aadan
saldhiga military iyo wareejinta dekada berbera.
xafladan waji ku macaasha waxa soo qaban qaabiyey safiirka Somaliland u
fadhiya dalka Imaaaradka carabta Baashe cawil( Baasha Morgan ) waxaana
xafladan lagu soo marti qaaday xubno ay ka mid yihiin professor Axmed Ismacil Samater iyo Abu abokor Xaamuud Jibriil gudoomiyihii gudidii qaabqabida shir
weynihii xisbiga Kulmiye waxaana xaflada gacan yareyaal ka ahaa labo wiil oo ay
ilmadeer yihiin Baasha Morgan oo kale ahaayeen Cabdiqani xaaji October iyo
jaahil Suufi taas ay ku soo marti qaadeen bulshada reer Somaliland ku nool
miinnesota meel maqeemkeedu hooseeyo oo ah maqaaxi cuntada laga cuno
oo ku taal suuqa somalida ee karmeel taas oo sababtay inaan cidi ka soo xadaarin
goobtaas , marka laga tago dad somalida kale ahi oo suuqa karmeel looga yeedh
yeedhay .
Waxaana goobta hadalka qiimo lahaa oo ka hadalay marxalada u dalku imika
marayo ka jeediyey professor Axmed Ismaciil Samater isagoo tilmaamay fool
xumada heshiiska qabyada ah ee xukumada Somaliland la gashay dalka
Emaaradka carabta ku tilmaamay mid halis ku ah dhaqaalaha , amaanka iyo
siyaasada ay xukumada Somaliland leedahay dalalka caalamka , sidoo kale wuxuu
professorku sheegay inay xukumada Muuse Biixi ku guul daraystay inay waxa
qabto sixir bararka curyaamiyey dhaqaalaha bulshada jilicsan ee reer Somaliland ,
wuxuu professorku intaa ku daray inay ay xukumada Muuse Biixi ku
guuldaraystay siyaasadii arimaha dibada iyo tan waxabarashada labada waxaana
professorku hoosta ka xariqay inaanu marnaba aanu Muuse Biixi kula socon waxa
hada socoda dalka siddo kale tilmaamay inuu dalku u
baahay yahay badbaado qaran ,
Taasina waji gabax ku noqotay shaqsiyada xaflada waji ku macaasha soo qaban
qaabiyey oo ahayd calool xumo iyo khasaare lacageeda ku sababta markii shaqsigii
lays lahaa wuxuu dadka u sheegay ama u amaanayaa wareejinta dekada berebera

iyo saldhiga dalka Emaaradka Carabtu ka samaysanaayo magaalada Berbera u ku
tiraabay inay tahay mid lafo jab ku ah siyaasada iyo amaanka dalka ayuu yidhi
professor Axmed Ismacil Samater , Fadeexda dhacay ka dib waxay xubnihii gacan yareyaasha ahaa talo ku cadatay ka
dib waxay lacag dul dhigeen warbaahintii xaflada duubaysay kana codsanadeen
inaan si naba loo baahin kariin muuqaalkii xaflada taas oo siro badan dhabka soo
dhigaysa

 

Sharmarke Yuusuf Dirir
Email: sharmakeabshir15@gmail.com
Minneapolis Minnesota

Leave a Reply