Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS » Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi oo Ku Hawlan Qorshe Ay Iskugu Dhufanayso Beesha Arab iyo Xisbiga WADDANI

Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi oo Ku Hawlan Qorshe Ay Iskugu Dhufanayso Beesha Arab iyo Xisbiga WADDANI

Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi oo Ku Hawlan Qorshe Ay Iskugu Dhufanayso Beesha Arab iyo Xisbiga WADDANI

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay  wakhtiyadii u dambaysay ku hawlanayd qorsheyaal dhagaraysan oo ay iskaga hor keenayso xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo beesha Arab ee gobolka Hawd.

Wararka ayaa sheegayaa inay xukuumaddu adeegsanayso shakhsiyaad ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo sidoo kale xubno ka soo jeeda gobolka Hawd oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, iyadoo xujo ka dhigaysa inaan xisbiga WADDANI wax saami ah u ogolayn beesha Arab gaar ahaan marka la laga hadlo guddoomiye-nimada xisbiga ee Cabdiqaadir Jirde.

Sidoo kale xukuumdda ayaa soo dhex dhigtay xan sheegaysa in xilki ku meelgaadhnimo ee xisbiga la baa’in doono, Cabdiqaadir Jirde na hogaanka xisbiga uun lagu dari doono sidaasna ay beeshu ku waayi doonto ballanqaadkii hore ee guddoomiye-nimada xisbiga.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan bilawday qorshe a khilaaf kaga dhex abuurayso xisbiga WADDANi dhexdiisa, iyadoo dhawaan soo istaadhay siyaasiyiin xisbiga ka tirsan kuwaas oo intooda badani ka soo jeeda beesha Madaxwaynaha, iyagoo ka cabanaya in beesha uu guddoomiye Cirro ka soo jeedaa ay xisbiga iska maamulato

Xukuumaddu iyadoo ka faa’iidaysanaysa dib u habaynta la sheegay in xisbiga lagu samayn doono todobaadyada soo socda ayay ka hadashiisay xubnaha ay madaxwaynaha isku beesha yihiin oo sheegtay inay yihiin garabka toosinta taban ee WADDANI kuna cawdeen in xisbiga dhexdiisa cadaalad darro ka jirto.

Sidoo kale xubno ka mid ah kuwa ugu waaweyn xisbiga ayaa ay wararka qaar sheegayaan inay wakhtiyadii dambe xidhiidh hoose la lahaayeen xukuumadda, kuwaasoo sida la filayo qayb ka noqon doono dib u habaynta lagu samaynayo xisbiga WADDANI

Leave a Reply