Home » CAMUUDMEDIA LIVE NEWS »  Maayirka Degmada Seylac oo Ka Badbadbaadey Isku Dey Dil

 Maayirka Degmada Seylac oo Ka Badbadbaadey Isku Dey Dil

Boorama (Camuudnews) Maayirka Degmada Seylac sacad daahir cige waxa uu sheegey in uu ka badbaadey isku dey dil ,isku deygan oo soo qaadeen laba nin .

Maayir Sacada ayaa sheegey in weerarkan salka ku hayso askari dhawaan lagu dhawaacey degmada Xariirad kaasoo labada nin ee waararka soo qaadey walaloyihin ,Askariganoo dhawiciisa lagu dabiibayo cusbitalka magaalada Boorama

Waxana uu maayirka magaalada seylac Sacad Daahir Cige waxa uu sheegey in falkaasi cidii ka dambeysey uu gaadhsiiyey xukuumada soomaliland hadey tahey maamulada gobolada Awdal iyo Salal .

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftey in xukuumadu wax ka qabato raga weerarka ku soo qaadey .

Falkan lagula kacey maayirka Degmada Seylac waxa uu ugub ku yahey gobolada galbeedka, kaasoo bulshada isweydiinayaan hadii talaabooyinka sii socdaan in nabadgalyadu wiiqmi karto .

Leave a Reply